Kala Wareejinta Guryaha iyo Beeraha
Waxaan si sharci ah kuu diyaarinaa dukumentiyada kala wareejinta guryaha iyo beeraha.
Faahfaahin
MARWAAZPUBLIC NOTARYNootaayada Dadweynaha · Baydhabo, Soomaaliya · Tan iyo 2022
Waxaan si sharci waafaqsan u diyaarinaa, u xaqiijinnaa una sugnaa heshiisyada, kala wareejinta hantida iyo mucaamalaadka muhiimka ah.
“Mé Guurtéda Murung Ay Koo Galne Marwaaz Marag Ku Abtugoy”
— MARWAAZ PUBLIC NOTARY
Marwaaz Public Notary waxay adeegyo nootaayo oo rasmi ah siisaa shaqsiyaadka, ganacsiyada, hay'adaha iyo ururrada. Ujeedkeennu waa in dukumenti kasta loo diyaariyo loona xaqiijiyo si sax ah, sugan oo sharciga waafaqsan.
Waxaan si xirfad, hufnaan iyo mas'uuliyad leh u diyaarinaa una sugnaa mucaamalaadka, heshiisyada iyo kala wareejinta hantida.
Waxaan si sharci ah kuu diyaarinaa dukumentiyada kala wareejinta guryaha iyo beeraha.
FaahfaahinWaxaan kuu diyaarinaa heshiisyada iyo caddaynaha lahaanshaha gaadiidka iyo dhulka.
FaahfaahinWaxaan si sharci ah u samaynaa habraaca kala wareejinta hantida guurtada iyo maguurtada ah.
FaahfaahinWaxaan diiwaangelinnaa oo xaqiijinnaa hantida sharciyeysan si rasmi ah.
FaahfaahinWaxaan kuu diyaarinaa dukumentiyada rasmiga ah ee wareejinta saamiyada shirkadaha.
FaahfaahinWaxaan kuu qornaa araajida dacwadaha si sax ah oo sharciga waafaqsan.
FaahfaahinWaxaan qornaa oo habaynaa mucaamalaadka sharciga ah ee ganacsiga iyo shaqsiyaadka.
FaahfaahinWaxaan kuu qornaa heshiisyo cadcad oo si sugan u ilaalinaya xuquuqdaada.
FaahfaahinWaxaan kuu caddaynaa lahaanshaha hantida ama iskaashiga ganacsiga.
FaahfaahinWaxaan qornaa oo xaqiijinnaa damaanadaha leh awoodda rasmiga ah ee sharciga.
FaahfaahinKa hor kala wareejinta dhulka, waxaan booqannaa oo cabbirnaa dhulka, waxaanay qaadannaa xogta GPS-ka.
FaahfaahinHabraaca shaqo ee Nootaayada Marwaaz wuxuu u dhisan yahay si hufan oo aad tallaabo kasta ugu kalsoonaato.
Keen dukumentiga asalka ah, aqoonsiga sawirka leh ama sugiyaasha (markhaatiyada) xafiiskayaga Baydhabo ku yaal ama ballan ku qabso.
Haddii adeeggu yahay dhul ama hanti maguurto ah, kooxdayadu waxay booqataa goobta si loo cabbiro oo loo qaado xogta GPS-ka.
Nootaayadu waxay qortaa oo diyaarisaa dukumentiga sharciga ah, iyadoo si taxaddar leh u hubisa milkiyadda, aqoonsiyada iyo saxiixyada dhinacyada.
Dukumentiga waxaa la saaraa shaabadda rasmiga ah, la diiwaangeliyaa, waxaana la siiyaa lambar tixraac iyo Koodhka QR-ka ee xaqiijinta.
Si si degdeg ah oo hufan loogu adeego, hubi inaad sidato dukumentiyada saxda ah ee loo baahan yahay nooc kasta oo kala wareejin ah.
Haddii qofka dhulka iibinaya uu ka maqan yahay dalka ama magaalada, waxaa loo baahan yahay Warqad Wakaalad ah oo ka soo baxday Nootaayo ama Safaarad dowladeed.
Ka hor kala wareejinta dhul kasta, waxaan booqannaa goobta, cabbirnaa dhulka waxaanay diiwaangelinnaa xogta GPS-ka si loo xaqiijiyo.
Kalsoonida sharciga ah waxay ka dhalataa habraac nidaamsan, xaqiijin sugan iyo ixtiraam sare oo macmiil kasta loo hayo.
Adeeg kasta oo aan bixinno wuxuu ku dhisnaan yahay mas'uuliyad iyo sharci-fulin toos ah.
Waan dhowrnaa waqtigaaga macnaha leh, tayada adeeggana kama tanaasulno.
Dukumentiyadaada iyo warqadahaaga rasmiga ah waxaan u xafidnaa si sugan.
Waxaad ka helaysaa la-talin sharci, hagid toos ah iyo ixtiraam sare.
Dukumenti kasta waxaad ku xaqiijin kartaa lambarkiisa tixraaca ama Koodhka QR-ka.
Dhawrida heshiisyada iyo mucaamalaadka oo dhan waxaa loo fuliyaa si sharciga waafaqsan.
Xogtaada iyo dukumentiyadaada waxaan u xafidnaa si qarsoodi ah oo ammaan ah.
Waan ku garab taagannahay ka hor, inta lagu jiro iyo ka dib dhammaystirka adeegga.
Nidaamka casriga ah ee lagu xaqiijinayo dukumentiyada rasmiga ah ee Marwaaz wuxuu ku jiraa habayn ama diyaarinta u dambaysa (Mardhow ayaa si toos ah loo furi doonaa).
Kooxdayada IT-ga waxay ku guda jirtaa dhismaha nidaamka xaqiijinta Koodhka QR-ka iyo tixraaca rasmiga ah. Mardhow ayaad si toos ah ugu hubin kartaa dukumentiyadaada halkan.
Xaaladda xafiisku waa mid toos ah (Live). Wac ama noo dir fariin WhatsApp ah wakhti kasta — kooxdayada ayaa si degdeg ah kuugu jawaabi doonta.
Tallaabo kasta si cad ayaa naloo sharxay, dukumentiyadii nala sameeyayna si degdeg ah oo xirfad leh ayaa loo dhammeeyey.
Haddii aad qabto su'aal gaar ah oo aan halkan ku qornayn, nala soo xiriir; kooxdayada ayaa si degdeg ah kuugu jawaabi doonta.
Waxaad Nootaayada horkeenaysaa sugiyaal dhulkaas milkiyaddiisa xaqiijin kara, ka dib Nootaayadu waxay ka qoraysaa warqad sugitaan ah oo tilmaamaysa lahaanshaaga.
Si dhulkaaga laguugu sameeyo Sabarloog, Nootaayada Marwaaz ayaa kuu qoraysa warqad lagu sugayo dhulka haddii aadan haysan warqad sharci ah oo nootaayeysan, ka dibna Dowladda Hoose kaaga dalbaysa Sabarloogga.
Waqtiga ay qaadanayso waxay ku xiran tahay nooca adeegga.
Nootaayadu waxay ku taallaa nawaaxiga Ex-Dahabshiil, ka soo horjeedka Huteel Baydhabo.
Haa. Nootaayada Marwaaz waxay ka diiwaangashan tahay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo Wasaaradda Caddaaladda ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya. Xafiisku wuxuu si rasmi ah u shaqaynayay tan iyo sannadkii 2022.
Kooxdayadu waxay isku dartaa go'aan taxaddar leh, habraac nidaamsan iyo ixtiraam macmiil kasta.
Nawaaxiga Ex-Dahabshiil, ka soo horjeedka Huteel Baydhabo, Baydhabo, Soomaaliya
7:30 subaxnimo – 7:30 fiidnimo